B. MUHIMADDA MAARAYNTA WAQTIGA:
HANKAAGA NAFEED, HAWLQABADKAAGA IYO MAARAYNTA WAQTIGAAGA: Eebe [SWT] markuu aadanaha abuuray wuxuu u yeelay dareeno nafsadeed oo uu kaga duwanyahay inta Alle uumay ee kale. Sida aad uga fekerto naftaada iyo aragtida aad ka qabto ayaa inta badan kaalin weyn ku leh hawlqabadkaaga iyo firfircoonidaada. “Hankaaga Nafeed” [Self esteem] waxaa saldhig u ah sida aad u maarayso hawlqabadkaaga kaasoo isaguna marti u sii ah ‘sida aad u maamusho waqtigaaga”. Hankaaga nafeed waxaa lagu qeexi karaa ‘ilaa xadka aad iska aaminsantahay inaad tahay noole wax-karid leh, wax-soo-saar leh, xallisan kara dhibaatooyinkiisa, hawlihiisa fushan kara, yoolkiisana gaadhi kara. Hankaaga nafsadeed wuxuu kor u kac sameeyaa marka aad isu aragto in arrimahaasi aynu soo sheegnay meel sare kuu marayaan, wuxuuna hoos u daadegaa marka aad isu aragto inaad arrimahaasi sabool ka tahay.
Ujeedadu waxay tahay waxa aad ka aminsantahay hankaaga nafeed iyo hawlqabadkaagu waa labo isku xidhan, dhanka kalena hawlqabadkaaga iyo maaraynta waqtigaagu waa laba aan la kala guri karin. Waa laba arrin oo is kaalmaysta.