Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland, Mudane Daa’uud Axmed Faarax, ayaa ka jawaabay su’aal ku saabsan qaybaha uu ka koobnaan doono Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare.  Gudoomiyaha ayaa ka jawaabayey su’aal uu weydiiyey arday ka tirsan Dugsiga Sare ee Aadan Isaaq, Boorama, kuna saabsanayd cabasho ardaydu ka qabto Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo sida uu sheegay ardaygani badan su’aalo “aqoon guud” ah [General Education].  Mudane Daa’uud ayaa ardayda u sheegay “Sannadkan Form One waxaa idiinka imanaya 5%, Form Two-gana 5%, inta Kalle soo hadhaana (90%) waa (Form) Three-ga iyo Four-ka”. Gudoomiyaha Imtixaanaadka oo go’aanka sii xoojinaya ayaa intaas ku daray in “Sannadkan haday sidaas noqon weydo, wax allaale wixii dembi ka yimaada – Wasiir ku xigeenkuna waa I maqalayaaye – annagaa qaadayna”.

Gudoomiye Daa’uud ayaa sheegay in sandakan buugaagta loo adeegsan doono qaadista imtixaanka shahaadiga ah ay yihiin Isla kiwii sannadkii horeba lagu qaaday “Sannadkii hore buug imtaxaanka ma lagu qaaday? annagu kii hore uun baan ku qaadaynaa”.

Halkan Hoose Guji/Riix oo ka daawo warka Imtixaanaadka

Qaybaha uu ka koobanyahay Imtixaanka