Boorama (SOMALILANDSCHOOLS): Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md. Axmed Xasan Nuur iyo Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Md. Daa’uud Axmed Faarax ayaa shalay tababar u furay macallimiinta dejisa [qorta] Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka.

Tababarkan oo lagu qabtay magaalo madaxda gobolka Awdal, Boorama, ayaa ku saabsanaa habka iyo hannaanka hufan ee loo dejiyo imtixaanaadka shahaadiga ah. Tababarkan ayaa looga gol leeyahay sidii loo sii horumarin lahaa hababka kala duwan ee loo sameeyo imtixaanaada shahaadiga ah iyo sidii wax looga baran lahaa aqoonta dejinta iyo jaangoynta imtixaanada shahaadiga ah ee ku soo kordhay aqoonta dhanka imtixaanada adduunka.  Waxaa tababarkan ka soo qaybgalay dhammaan macallimiinta  Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka u qaabilsan dejinta imtixaanada.

La taliyaha Wasiirka  Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Arrimaha Carabta, Md. Axmed Jaamac Ibraahim, oo munaasibadaa ka hadlay ayaa macallimiinta kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan tababarkan iyo aqoonta la siin doono inta uu socdo tababarku.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Awdal, Md. Jeeke Cismaan Ciye, ayaa munaasibadaa hadal soo dhaweyn ah uga soo jeediyey macallimiinta tababarka loo furay iyo guud ahaan weftiga uu hogaaminayo wasiir kuxigeenka WW&S.

Md. Maxamed Jaamac Rooble oo ka tirsan macallimiinta waayo araga ah ee dejiya imtixaanaadka shahaadiga ee dalka ayaa isaguna tababarkan hadal kooban ka soo jeediyey, waxaanu xusay inay muhiim tahay sidii loola socon lahaa hadba wixii ku soo kordha nidaamyada loo dejiyo imtixaanaadka shahaadiga ah ee adduunka.

Guddoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, Md. Daa’uud Axmed Faarax, oo isaguna madashaa hadal ka soo jeediyey ayaa faah’faahin ka bixiyey ujeedada uu daaranyahay tababarkani. Mudane Daa’uud wuxuu sheegay inay uga dan leeyihiin sidii loola socon lahaa horumarka aqoonta isbedbadelaysa ee adduunka ee ku wajahan dejinta iyo casriyeynta nidaamka loo dejiyo iyo hababka loo maro qaadista imtixaanada shahaadiga ah ee caalamka.

Ugu danbayn, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Md. Axmed Xasan Nuur (Taajir), ayaa macallimiinta tababarkan ka soo qaybgashay kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan aqoonta halkan lagu siin doono. sidoo kale wasiirku waxa uu macallimiinta dejiya imtixaanaadka shahaadiga ee Jamhuuriyadda Somaliland ku adkeeyey inay aqoonta halkan lagu siiyo si wanaagsan ugu adeegsadaan marka ay dejinayaan imtixaanaadka shahaadiga, isla markaana uu noqdo imtixaankaasi  mid ay ka muuqdaan hab caddaalad iyo aqoon xeeldheeri ahi  si ay ardeyda gelaysaana u noqdaan kuwo ku soo baxay aqoontooda iyo wixii ay soo barteen.

Xigasho: WW&S