Sida ku cad qoraal ka soo baxay Xafiiska WasiirkaWasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, dhammaan dugsiyada dalka ayaa la faray in la xidho 13ka bisha April ee saanadkan.  Dugsiyada ayaa xidhnaan doono muddo ku siman la (2) bilood. Waxbarshada Dadban ayaa iyaduna ku jirta dugsiyada la fasaxay.  Fasaxan ayaa ku yimi go’aan ay dhowaan soo saareen Guddiga Heer Qaran ee Xanuunka Covid 19.