Shabakadda Somalilandschools.online waxaa sameeyey Xarunta Tababarka iyo Waxbarista ee Geeska (Horn Training and Tutoring Center – HTTC), waxaana loogu talagalay inay waxbarasho bilaash ah oo dhanka INTERNETKA ah siiso ardayda reer Somaliland ee dhigata dugsiyada Sare iyo Hoose/Dhexe.
Ujeedada koowaad iyo tan fog ee laga leeyahay boggan waa in ardayda loo hibeeyo waxbarasho bilaash ah oo ay uga faa’iideystaan casharadooda kuna saleysan Manhajka Jamhuuriyadda Somaliland iyo, sidoo kale, in laga haqabtiro helitaanka imtixaanadii shahaadiga ahaa ee Somaliland iyo laylisyo wata jawaabahoodii.
Higsagayagu waa in ardaydu hesho waxbarasho aan ku xidhnayn ama u-xannibnayn goobta iyo waqtiga. Hal-ku-dhegeenu waa “KU BARO GOOB KASTA GOOR KASTA”.
Waxaanu soo dhaweyneynaa wixii talo bixin, sixitaan ah, macluumaad, aqoon, soo jeedin ama faalooyin ah ee ku saabsany boggan ee aad nala wadaagi karayso, fadlan, noogu soo dir:
252 63 7088520
252 63 4421900
252 65 4421900
